Wasaaradda Daakhiliga oo Tababar u Furtay qaar ka mid ah Xubnaha Goleyaasha Deegaanka Dalka

[embedded content]

Burco (Dawan):- Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland oo kaashanaysa Hay’adda UN-HABITAT ayaa Tababar uga furtay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, qaar ka mid Xildhibaanada Goleyaasha Degaanka ee dalka.
Tababarkaas oo Socon doona muddo shan cisho ah waxaa uu ku saabsan yahay Xallinta khilaafaadka Goleyaasha Degaanka ee dalka (Conflict Management Training for Local Councillors), Muddada uu socdo ayay Xildhibaanadu ku baran doonaan sida loo xaliyo khilaafaadka Goleyaasha Degaanka.
Agaasimaha Waaxda Maanulka Gobolada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Cali Maxamed ayaa furay shirka shalay waxaana ka soo qaybgalay maayerka iyo Maayer Kuxigeenka Degmada Burco.

Share this:Like this:Like Loading…

Related






[embedded content] Previous article